“Waxaan dareemayaa in nabaddii aan Mareykanka u soo raadsaday aan weli helin”
Gobolka Minnesota, xogtii ugu dambeysay ee ay soo saartay Waaxda Caafimaadka ee gobolka ayaa muujinaysa in 678 qof ay u u geeriyoodeen isticmaalka daroogada opioid oo xad dhaaf ah sannadkii 2024, kaas oo ah sannadkii ugu dambeeyay ee tirakoobkiisu si rasmi ah u dhammaaday. Magaalada Minneapolis, dhibaatadan ayaa saameysay qoysas badan oo Soomaaliyeed. Bushra Mohamed oo ka tirsan BBC ayaa la hadashay hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeedii ku wayday daroogada fentanyl oo u xad-dhaaf u isticmaalay.