Qoysas nabad u raadiyay Yemen oo colaadda halkaas ka socota dib ugu soo celisay Soomaaliya
In ka badan 160 qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa shalay dib ugu laabtay Soomaaliya, kuwaas oo ka cararray dagaalka dib ugu qarxay dalka Yemen ee dhexmaraya ciidamada dawladda ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh Iiraan. Soo celinta qaxootigan waxa dawladda Soomaaliya gacan ka siiyay hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, waxana hadda lagu hayaa xarun ku taala magaalada Muqdisho, waxana dib loogu kala qaadi doonaa magaalooyinkii ay ka tageen, kahor inta aan