Maxaa wariyeyaasha loogu xirayaa Somaliland?
Marka wariye lagu xiro Somaliland, ma sharci ayaa la fulinayaa, mise xarigga laftiisa ayaa mararka qaar noqda hab lagu cabsi geliyo ama lagu xakameeyo wariyeyaasha? Xasan Gallaydh oo ah wariye madax-bannaan ayaa lagu xiray Gebiley xilli uu tabinayay munaasabad qalin-jabin ah, kaddibna waxaa loo gudbiyay xarunta CID-da ee Hargeysa. Xariggiisa ayaa yimid maalmo yar kaddib markii uu si fagaare ah uga hadlay xarigga wariye Cabdiqani Baylood, isla markaana uu dalbaday in la sii daayo. Sidaas dartee