Gabdhaha Muqdisho oo ku soo badanaya shaqada Kafee sameynta
Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii dambe ku soo badanayay maqaayadaha iyo goobaha laga cabo kafeega, waxaana taas barbar socota baahida loo qabo dadka xirfadda u leh sameynta iyo diyaarinta kafeega, ee loo yaqaan Baristas.Barista waa qof xirfad u leh diyaarinta iyo adeegidda kafeega. Xirfaddan oo markii hore raggu ku badnaayeen Muqdisho, waxaa hadda ku soo badanaya gabdho. Qaar waxay ka shaqeeyaan maqaayadaha kafeega, halka kuwo kalena ay xirfadda ka bartaan xarumaha lagu tababaro kafee sameynt