Puntland oo Turkiga ku eedeysay duqeymaha ka socda xeebaheeda
Yaa ka dambeeya duqeymaha maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, maxaase xiriir ah oo ka dhexeeya weerarradaas, markabka M/V Lutuf iyo burcad-badeedda Soomaalida? Puntland ayaa si toos ah Turkiga ugu eedeysay duqeymo aan weli cidina sheegan oo ka dhacay xeebaha Nugaal. Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay in maamulkoodu hayo wax uu ku tilmaamay “caddeymo” la xiriira dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee markabka iyo xeeba