Feysal Cabdi Isaaq, Lows iibiyihii jaamacadda ka qalin jabiyay
Qisooyinka sanad kan laga diiwan galiyay ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ummadda ee magaalada Muqdisho, waxaa kamid ah sheeko ku saabsan wiil dhalinyaro ah oo caruurnimadiisii, isaga iyo qoyskiisuba ay ka soo barakaceen gobolka Bay, nololna ay ka bilaabeen xeryaha dadka gudaha ku barakacay uu markii dambe isagoo dariiqyada Muqdisho lows ku iibiya uu ka qalin jabiyay Jaamacadda. Feysal Cabdi Isaaq waxa uu lowska iibintiisa bilaabay, isagoo fasalka sedexaad ee dugsiga hoose ku jira, illaa uu j