'Dad badan waxay inoo arkaan inaan fasahaadineyno gabdhahooda’ - Sheekada Guntiino iyo BBC
Baraha bulshada waxaa si weyn ugu soo kordhay podcast-yada Af Soomaaliga ku baxa, waxaana kuwa ugu hadal haynta badan ka mid ah Guntiino Podcast, oo ay aas aaseen gabdho Soomaaliyeed kana hadla arrimaha bulshada, gaar ahaan caqabadaha iyo waaya-aragnimada haweenka. Wareysigan gaarka ah, aasaasayaasha Guntiino Podcast waxay kaga hadlayaan sababta ay u bilaabeen barnaamijka, dhaliilaha iyo taageerada ay la kulmeen, iyo sababta ay u aaminsan yihiin in ka hadalka dhibaatooyinka gabdhaha Soomaaliye