Maxay tahay jawaabta adag ee Iraan ka bixisay weerarrada Mareykanku xalay ku qaaday?
Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Bagher Ghalibaf, oo ah madaxa ugu sarreeyay kooxdii Markeynka Maraykanka wadahadalka la gashay, ayaa Axaddii sheegay in xilligii "heshiiska halka dhinac ah" uu dhammaaday. Wuxuu qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri: "Waxaan idiin sheegnay: haddii aad ballantiinna ilaalin weydaan, qiimaha waad bixin doontaan. Xaqiiqadu way soo dhowaatay." Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale ku eedeysay Maraykanka inuu sababay "soo noqoshada amni-darrada"