"Waxaa lagu eedayay hees aan wali soo bixin" Cabdimajiid Maxamuud ay walaalo yihiin Khaalid Kaamil.
Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland waxaa muddo labo todobaad ah ku xiran Khaalid Maxamuud Cabdillaahi (Khaalid Kaamil) oo ka mid ah fannaaniinta. Inkastoo hay'adaha ammaanka Somaliland aysan weli si rasmi ah u shaacin sababta Khaalid loo xiray, haddana ehellada fannaanku waxay BBC-da u sheegeen in uu eersaday hees uu u qaaday magaalada Barakeysan ee Qudus. Somaliland ayaa ka furtay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem) bishii lasoo dhaafay, l