Senegal oo dib loogu celiyay Koobka Qaramada Afrika 10 bilood kadib
Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Ciyaaraha ee CAS ayaa burisay go'aankii xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF, kaas oo Senegal looga qaaday koobkii ay ku guuleysatay, laguna siiyay Morocco. Muranka ayaa ka dhashay rigooradii finalka, ciyaartoydii Senegal ee garoonka ka baxay iyo go'aankii dambe ee CAF ay natiijada ciyaarta ku beddeshay 3-0. CAS ayaa dib u ansixisay guushii 1-0 ahayd ee Senegal, balse Morocco ayaa sheegtay inay ka hortagayso go'aankaas. #bbc #bbcsomali #afcon #senegal #morocco