Trump oo sheegay in xabad joojintii "ay dhamatay" xilli Mareykanka iyo Iran ay isdhaafsadeen weeraro
Trump oo sheegay in xabad joojintii "ay dhamaatay" kadib markii Mareykanka iyo Iiraan ay isdhaafsadeen weerarro. Warbaahinta Iiraan ayaa soo werisay in la maqlay dhawaqa qarax ka dhacay magaalada Bushehr ee Iraan iyo deegaannada ku xeeran magaaladaas. Kadib weerarkii Maraykanka ee ka dhashay jawaabta laga bixiyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee marinka Hormuz, Iiraan ayaa duqeysay goobo uu Maraykanku ku leeyahay Kuweyt iyo Baxrayn, taas oo ay ku sheegtay hawlgal aargoosi ah.