Saameynta ka dhalatay xirnaashada ganacsiyada u dhaw gurii Islii ku dumay jimcihii.
Waxaa xiran gacansiyada agagaarka wadada sagaalaad ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasi oo dhisme dhowr iyo toban dabaq ahaa uu ku dumay jimcihii la soo dhaafay. Waxaana ganacsatada dukaamada halkaa ku yaallay ay hadda dareemayaa xinaashaha ganacsiyadooda. Guddiga ganacsatada ayaa rajo ka muujiyay in xal loo helo xirnaashiyaha ganacsiyada. Wariyaha BBC da Xasan Sheekh Cumar oo goobtaas tagay ayaa arrintaasi ka wareystay Cumar Axmed isudawaha guud ee guddiga ganacsiga Islii. --------